The Somali Resource and Heritage Centre     Google

Xarunta Hiddaha & Dhaqanka Soomaaliyeed

We produce the best Somali language Books, Literature and Folktales. We are dedicated

to the publication, promotion and huge collection of the best Somali Books in every subject.

Please check our BOOKS FOR SALE and send an E-mail: alamagan@filajnet.com

 DHAQAYSIGA QURAANKA         TAFSIIR      HADITH QUDSI        SAHIH AL-BUKHARI        MUXAADAROOYIN DIINI AH

 

LINKS

Dacwah.com

Tafsiir

FATWA

Tajweed

Moslim.se

Saaid.net

Invitation to the Truth

Duruus

Aflax.net

Al Quran

Al-Taqwaa

Barashada Diinta Islaamka

Baro Tafsiirka Quraanka 

Companions of Prophet Muhammed

Dar Al-Talaba

Dibu Nabawi

Discover Islam 

f3f3 online

Hadith Sh.Cabdirashid

HALAL & HARAAM

History of Somalia

Islam East Africa  Islam Canada

Islam Today

Islam Web

Islam.org 

Islam-Guide

Islamic Civilization

Islamic History

Islamic Information Resource

Islamic Medicine Benadir Islam Dugsi.com

It is Truth

Khalid Bin-waliid Ottawa Muslims

Learn about Islam  Listen & Read Quran moezmasoud.com

Masjid Abubakar

Quran Way

Ribo Soomaali

Right way to Pray

Saxaabadii Rasuulka (R.A)

Sh.Abdirahman Sudaysi

Solution to any Problem

Study Islam

Tawfiiq net

Somali Links

All Africa

Allsomali

Amin Arts

Arab News

Arab World News

Awdal Development

Banadir

BBC Somali 

Djibouti

Goobjoog.com

Hamarey.com

Hiiraan

Hooyga Suugaanta Hadraawi

Hornafrik

Hoyga Suugaanta

Hilinkatoosan

midnimo.com          Aftahan

Lughaya

Mudug Online

Rural Education & Development

Scerdo Homepage

Somali cartoons Soomalinimo

Somali Culture & Beliefs 

Somali Education

Somali Press

Somali sites

Somali Students Cayaaraha.com Somali Weyn

Somali UK

Somalitalk

UN Somalia

Wardheer News Somalia Women Somali TV

Waxbarasho

 

 

 

 

 





 

Somali Communty of Washington, DC metropolitan area

  Presents 

Muliyooy Saa see

A LOOK At Somali history, culture AND TRADITIONAL dances
Keynote Speaker:  Mohamed H. Hadi, Historian and Author 

When:  Saturday December 13, 2008

5:00pm - 9:00pm 

Where: 6654 Arlington Blvd.

Falls Church VA, 22042

(Adjacent to Bentley’s Restaurant)

 Please join us for a night of learning and enjoyment

 Contact: Zahra @ 703-371-7670

Welcome to somheritage.com
 

Somheritage waxay idinku wargalinaysaa inay idiin hayso 

  dhammaan buugaagtii laga baranayey AFKA HOOYO (AF-Soomaali).

Fadlan haddii aad danaynayso, la soo xiriir cinwaanka hoos 

ku qoran.Ogow mustaqbalka ubadkaagu waxuu ku jiraa 

Barashada Afka Soomaaliga. WAA MUHIIM

 

SAXAABADII RASUULKA 

 

MAAWEELADA CARRUURTA New

SHEEKO CARRUUREED "New"

Macalimal- Qur'aan"New"

                                           Su aalo & Jawaabo Diini ah.

                                                          Majaajilo 

 

TAARIIKH SOOMAALI KOOBAN

1,500 BC Fircoonkii la odhan jirey Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed u soo diray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoon jirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir la yeeshay jaaliyaadihii ku noolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1214-1288 Ibna Saciid oo xukumayey magaalada Seylac, wuxuu qiray Soomaalidu in yihiin kuwii Diinta Islaamka ku fidiyey Afrika iyo agagaarkeeda.

1331 Ibna Batuuta ayaa Muqdisho yimi.

1402 Waxaa Saylac weeraray dowladii Itoobiya.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal aan kala go' lahayn la galay Xabashida isagoo si weyn u sugay karaamadda iyo sharafta Ummadda Soomaaliyeed wxaase u soo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  wada galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaan "Tripartite Accord" waxaa wada galay Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo ku saabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa la siiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka Soomaali Galbeed ee (reserve Area).

1899 Sayid Maxamad Cadulle Xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Xabashida.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey ee Soomaali yeelato.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xornimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo muddo 10 sanno.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd ku wareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland ka xorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu sii hayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen lana  baxeen SOMALI REPUBLIC.

1961 ayaa lasharciyeey iskutaggii labadii qaybood ee Soomaaliya markas xorta kanoqotay.

1964 Dagaalbaa dhexmaray Soomaaliya iyo Xabashida.

1969  Waxaa xoog ku qabsaday Maamulkii rayidka ahaa, Saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo la baxday GOLAHA SARE EE KACAANKA.

1972 Qoristii Afka Hooyo (Af-Soomaali).

1976 Waxaa la asaasay xisbigii Hantiwadaaga kacaanka Soomaaliya [Somali Socialist Revolutionary Party - SSRP]

1977 Waxaa dhulka Soomaali Galbeed ku dagaalamay Soomaaliya iyo Itoobiya. Waxayna Ciidamada Soomaaliyeed ay dul joogsadeen dhulka u dhexeeya Diri-dhaba iyo Addiis, hasayeeshee ciidamo gurmad ah oo ka kala socday Ruushka, Kuuba iyo Yamen ayaa u soo hiiliyay ciidmadii Xabashida ee dhabarka sii jeediyey.  Sannadkii 1978 ayaa Soomaaliya dib uga soo baxday intii ay qabsadeen, waxaana sannadkii 1988 heshiis nabadeed kala saxiixday Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin Soomaaliya kama noqon sheegashadii Ogaadeenya.

1990 Bishii December ayaa dagaal kaqarxay Muqdisho, Janaayo 1991 ayaa siyaad Barre kabaxay Muqdisho, kadib markii ay dagaal kagahoryimaadeen USC. Dawladii Militariga ahaydna kudhacday.
 

MAXAA KA DAMBEEYEY????????????

                                  TAARIIKHDA ABWAAN XASAN SHEEKH MUUMIN

Abwaan Xasan Sh. Muumin, wuxuu ku dhashay magaaladda Boorama (Gobolka AwdaL) ee Soomaaliya 1930kii, waxa dhallay Sheekh Muumin oo ahaa mufti xagga Diinta si weyn loogu qaddarin jirey. Xasan yaraantiisii wuxuu ku barbaaray asluubta wanaagsan ee Diinta Islaamku ina farayso.  Wuxuu ahaa ganacsade, xirfadle iyo macallin aad loo qaddariyo.1965 ilaa 1968kii waxaa loo qaatay Radio Muqdisho inuu hal-abuuro maansooyin ku taxaluqa xagga Gabayada, heesaha iyo in uu duubo barnaamijyo ku saabsan Hiddaha & Dhaqanka Soomaaliyeed, khaas ahaan nolosha miyiga, kana sii daayo Raadiyaha.  Ilaa 1968kii wuxuu ka tirsanaa shaqaalihii waaxda Hiddaha & Dhaqanka ee Wasaaraddii Waxbarashada & Barbaarinta.  Wuxuu Maareeye ka noqday Golaha Murtida & Madadaalada ee Hargeysa.

Abwaan Xasan Sh. Muumin wuxuu curiyey Ruwaayado kala duwan oo ay ka mid ahaayeen:

1966          Hubsiimo Hal baa la siistaa

1967          Shabeel-naagood  

1970          Gaaraabidhaan

1971          Ehelunaarka Adduunka

1972          Dunidu maskaxdey magan u tahay    

Dhammaan Ruwaayadahaas oo ka kala tarjumayey hab-nololeedka bulshada Soomaaliyeed, xag dhaqan, dhaqaale iyo nolosha ijtimaaciga habda meesha ay marayeen iyo sidii loo toosin lahaa ama kor loogu qaadi lahaa wacyi gelinta ummadda Soomaaliyeed iyo hooga-tusaalayn maamuladii kala duwanaa ee waddanka ka talin jirey, abwaanku wuxuu ahaa maskaxdii dunidoo malaasan mawjadaheeda. Waxaa taariikh lama ilaawaan ah dhammaan Ruwaayadaha uu curiyey abwaanku inay ilaa manta wax u dhigmaa yar yahay, qaarna lagu tarjumay afaf kala duwan.Tusaale: Ruwaayadii Shabeel-naagood waxaa Ingiriis ku tarjumay Prof. B.W.Andrzejewski 1974, Oxford University Press, London. (Leopard among the Women).

Waxaan ka cudur daranayaa in aanan wada helin taariikhdii abwaan Xasan Sh. Muumin oo dhan, waxaanan ka codsanayaa qof kasta oo wax ka haya in uu ii soo diro.

                                         "Wadciga aad iskaga eega" oo uu alifay abwaan

Maxamed Warsame Cilmi:

 

"Oogada sareetiyo, akhlaaq idil ahaanteedba

Af iyo Diin ilmuhu waalidkuu uga ekaadaaye

          Haddaan la is-afgaranayn,dhashii waa ajnabi uune

      In kastoon aqoon aan barnoo edebta loo sheego

        Ummaddaa u macallin ah, darkaa aymigooda ahe

 Ingriis wixii ku la hadleey, ehel wadaagaane

    Ubad aan kuwaagii ahayn ababi soow maaha".

 

 

                                             Waa kuma Hadraaw i

Maxamed Ibraahim Warsame(Hadraawi) waa hal-abuur maanseed, oo dabuuubta maansadiisa kala soo dhex baxay dhudhubo shareeran iyo dhadhaaabo shuban dhexdood. Maansadiisu waa dawan, baaq, hodan, xigmad, murti iyo qaylo dhaan xilliga argagixiso jirto. Hadraawi wuxuu maansada ku kala furaa aqoontiisa cilmiyeed iyo kartidiisa hal abuurnimo. Wuxuu ugu hiiliyaa ninka laga gar daran yahay iyo ninka la dulmiyayo. Wuxuu Hadraawi la jaal yahay dadka maxaysatada ah iyo kuwa aan marnaba ka tegen hidahooda iyo dhaqankooda, wuxuu kaloo la jaal yahay dadka diinta u dooda iyo cilmiga wax barashada.  Hadraawi wuxuu ku lid yahay oo ka soo horjeedaa dadka-dadka dulmiya, booba, dhaca, yasa, xaqira, dadka is waaweyneeya, dhaqankooda tuura, muslimnimadooda ka taga. 

                           KORODHSO AQOONTAADA (NEW)

                                 HAL-KARAAN   

                                 XASILLOONIDARADA AF SOOMAALIGA

                                 BARO NAXWAHA AFKA SOOMAALIGA

                                HISTORY OF AWDAL EMPIRE

 

                               AFKA SOOMAALIGA OO GABAABSI KU JIRA

 

                              Ha u daymo la'aan buugaagtan xulka ah:     

                           1.  Shimbirayow Heesa"Heesaha Carruurta" New"

2.      Qaamuuska Murtida Soomaaliyeed

3.       Shabeel-naagood "Waa buug laga qoray Ruwaayadii)

4.       Diiwaanka Gabayada Sayidka

5.       Taariikhdii Daraawiishta 1895 - 1921

6.       Qaranjabkii Soomaaliya

7.       Qaamuuskii Afka Soomaaliga

8.       Maansooyinkii Tima Cadde

9.       MAHURAAN

10. GABAYADII ISMAACIIL MIRE "New"                

 

                          SOMALI RESOURCE & HERITAGE CENTER

Waa hooyga aad ka heli kartid haddii aad danayneyso ama aad jeceshay inaad

wax ka ogaatid Taariikhda, Suugaanta iyo dhaqanka Ummadda Soomaaliyeed

 

                           SOMALI RESOURCE & HERITAGE CENTER

Is a source of information for those who are interested in Somali Literature, History, and Culture.

 

                                              Al-Hudaa Somali Heritage School

  Saturday/Sunday school for young Somali

Children here in Ottawa, age 6 - 13years

                                              The best Somali heritage school in Canada,

                                              with the best Somali curriculum.

If you are interested in registering your child please send us

E-mail: alamagan@filajnet.com or call TEL: (613) 733-1463

AMOUD UNIVERSITY
PO.BOX 99 - Borama, Awdal SOMALIA.

[ Sign my Guestbook] - [Read my Guestbook ]
[Guestbook by TheGuestBook.com]  

Mohamed Hussein Hadi


Somali Resource and Heritage Centre
1719 Bank St. Suite 301
Ottawa, Ontario. Canada. K1V 7Z4
Tel: 1+(613) 733-1463 Fax: 1+(613) 733-3956
E-mail: alamagan@filajnet.com 

© Copyright 1995 Somali Resource & Heritage Centre. Ottawa, Canada